Xarakada Islaax ee Soomaaliya waa
xarako Islaami ah oo la asaasay 11 Luulyo 1978 oo waafaqsan 6 Shacban
1398H; waxayna salka ku haysaa fikirkii iyo manhajkii Xarakada Al-Ikhwaan
Al-muslimiin ee la asaasay 1928dii.
Xarakadu waxay ka shaqaysaa kor u qaadista ku dhaqanka Diinta Islaamka;
ee qofka, qoyska iyo bulshadaba, iyadoo laga ambaqaadayo fahamka
Islaamka ee wasadiyada iyo ictidaalka ku dhisan.
Waxaa kale oo xarakadu ka shaqaysaa sidii loo heli lahaa bulsho
Soomaaliyeed oo dawlad hufan leh, horumarsan, fahamsan kuna dhaqanta
mabaadi’da Islaamka sida shuurada, cadaaladda, sinnaanta iyo karaameynta
insaanka iyo dhowrista xuquuqdiisa.
Waxaa kale oo xarakadu higsanaysaa in laga dhigo guud ahaan dunida
gaar ahaan gobolka Geeska Afrika meel nabad ah oo ka fog qulqulatooyinka
iyo dagaalada, iyadoo laga hortegayo sababaha keeni kara dagaaladaas.
Waxaa kale oo Xarakadu ka shaqaynaysaa in la xoojiyo xiriirka walaalnimo
ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dunida Carabta, Islaamka iyo Afrika.
Ugu dambeyntii, Xarakadu waxay kaalin ka qaadanaysaa sidii loo heli
lahaa duni is xaq dhawrta, nabad ku wada noolaata, dulmiga ka hortagta,
xoriyadna siisa qofka iyo shucuubta.
